//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js

Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaannada ansixiyay Xeerka Saxaafadda

139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda.

Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.

Ansixinta xeerka ayaa ku soo beegmaya toddobaad kadib markii ururkii saxafiyiinta qaranka uu ka guuray magaca NOSOJ una guuray isagoo loo bedelay FESOJ.