Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Farmaajo oo qado sharaf u sameeyey da’yarta Xulka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan maamuus ah u sameeyey Xulka Qaranka ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ee kaalinta labaad ka galay tartankii Koobka Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika (CECAFA) ee lagu qabtay dalka Burundi.

Kulankan oo ahaa qado sharaf ah ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa ku amaanay ciyaartoyda guusha ay soo hoyeen iyagoo huwan magaca Qaranka iyo dedaalka ay muujiyeen

“Waxaad taariikhda ummada Soomaaliyed ka gasheen baal dahab ah, guusha aad qaranka u soo hoyseena waa mid taariikhi ah, waxaana idinku bogaadinayaa dedaalka aad muujiseen oo Soomaalida aad oo dhan ay ku faraxday, waxaadna cadeyseen inaad tihiin halyeeyo Qaran” ayuu yiri Madaxweynaha oo balan qaaday in dowladu ay ku dedaali doonto kor u qaadida isboortiga. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Maamulka iyo shaqaalha Wasaaradda Cayaaraha, dhallinyarada iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen da’yarta heer Qaran iyo guud ahaan cayaaraha dalka.

“Annaga waxa ay noo xisaabsan tahay in aad guuleysateen, sababtoo ah waxaad ka soo guuleysateen intaas oo dal, idinkoo dalkiinnu uu soo kabanayo ayaad ka badiseen dowlado badan oo aan burbur ku dhicin, dowladahaas oo sannadadii aan bur burka ku jirnay iyagu soo dhismayey.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.