Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Arrinta Qalbi-dhagax oo Bannaanka Soo Dhigtay 3 Khatarood

Baryahan waxaa si aad ah loo hadal hayaa arrinta Cabdixakiim Qalbi-dhagax oo noqotay mid si aad ah looga hadlayo baraha bulshada noqotay kiis ka baaxad weyn sidii la filayay maadama saxaafaddu ay si aad ah u buunbuunisay arrinta oo saameynta ay ku yeelatay uu meel kasta gaaray.

Hadaba, marka aan ka eego dhinaca dalka kiiskani waxa uu wataa khataro badan cidda ugu weyn ee laba jeerba ka faa’ideysaana waa dowaldda Itoobiya maadaama ay labo arrimoodba u adeegsanayso, in dowaldda lagu carqaladeeyo oo taageeradeeda shacabka la lumiyo iyo cadaadis siyaasadeed ay ka dhigtaan oo ay dowaldda ku cadaadiyaan in xiriirka Masar ee soo hagaagaya uu meesha ka baxo.

Khatarta dowladda ku xeeran

1- Khatarta Warbaahinta

Warbaahinta waxaa xaqiiqo ah iney tahay codka dadweynaha ee bannaanka soo dhiga waxyaabaha shacabka dan u ah, waxaase muuqata in dadkii lagu jahwareeriyayo waxyaabo aan dan muhiim ah oo sidaa u sii xooga lahan marka loo eego yoolka weyn oo ah iney Soomaaliya xasisho.

Warbaahinta ayaa waxay u muuqdaan kuwo aan ka daalin iney arrinta ku celceliyaan run iyo beenba iydoo ay u muuqato inaan dan iyo heelo laga lahayn waxa dalka iyo dadka dan u ah ee la eegayo ajandayaal gaar ah oo qarsoon.

August 11, 2016 ayaa waxaa magaalada Jigjiga gaaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu si cad u sheegay in wixii odayaashii hore hore ee Soomaaliyeed ay aaminsanaayeen oo ahaa in Killirka 5aad uu ka tirsan Soomaaliya aan mar dambe lagu lug go’in sidaa darteedna ay tahay in horey looga socdo. Saxaafaddu arrintaa si xishood leh ayay uga hadleen cid wax weyn kasoo qaadday ma aaney jirin labo cisho kadibna waa laga aamusay. Arrintaasi waxay ahayd mid aad u culus oo Madaxweyne uu ku xalaaleeyay dhul ay Soomaali sheegaynaysay muddo dheer.

2- Khatarta Gudaha Dowladda

Waxaa muuqata iney jiraan saraakiil ka tirsan dowaldda federaalka Soomaaliya oo xiriir toos ah la leh sir doonka dowladda Itoobiya, Qalbi-dhaxa goobtii laga qabay Muqdisho may ahayn, isla goobtaa ayaa lagu dhiibi karay si khatarta hadal haynta looga fogeeyo dowaladda.

Gen. Gabre oo 31 Augusta bartiisa Twitterka soo dhigay hadallo uu ku leeyahay “Hambalyo dowladda Itoobiya. si adag ayaan uga shaqeynnay sidii aan kusoo heli lahayn Argagixisada ONLF iskuma qarin karto ciidda, Somaliland, Puntland, Galmudug, K/Galbed, J/lanad iyo xitaa Muqdisho”.

Waxaa muuqata in dowladda Itoobay ay isku halleyn buuxda ka haysato maamulgoboleedyada kala duwan ee dalka iyadoo Itoobiya ay xilli kasta dad ka qabqabato Somaliland iyo Puntland hadana ay Galmudug howshaa ka bilowday.

Saraakiisha sirdoonka ah ee Qalbi dhaxag gacan geliyay si kastaba xaaladdu ha ka noqoto mid aqoon darri ah amaba mid ula kac ah toona’e waxay sameeyeen khalad aad u baaxad leh maadama ay khatartii ka fogeyn waayeen xukuumaddii rajada weyn ay shacabka ka qabeen.

3- Khatarta Sharciga

Qodobka 7aad, faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya waxa uu sheegayaa in Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafkooda soohdimaha caalamiga ah ka dhasho in loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta dalka u dagsan iyo kuwa caalami gah. Sidaa darteed diblumaasiyadda dastuurkeenna uu na farayo waa mid nabadeed oo ah in siyaasadda diblumaasiyadda dalka loo marayaa ay noqoto mid nabadeed, gaar ahaan marka aan dooneyno inaan ka kabsanno dagaal sokeeyo boogeheeniina aan dhayno.

Sharciga Jinsiyada ah ee hadda baarlamaanka horyaalla waa inuu caddeeyo cidda Soomaaliga ah iyo cidda ahaan ahayn, haddii Soomaalida Itoobiya aan ku darsaneyno iyo tan keenya aan si toos ah u dabaalanno halagu caddeeyo sharaciga, haddiise aan u aqoonsanno in ay Itoobiya ka tirsan yihiin si ku meelgaar ahba xaalku ha noqdee iyo intaan aan cagaheenna isku taageynno yaan laga daba hadalin cidii dowaladdii ay ka tirsanayd qabsato!.

Waxaase xaqiiqo ah haddii aan goobahaa xasaasiga ah maanta sheeganno in Soomaali bartii ay shalay ka timid dib loogu celinayo, ogow Itoobiyaanku way yaqaanaan meelaha xasaasiga ah iyo halka ay naga weerari karaan xilli kasta.

Hadaba, marka aan ka imaanno Muwaadin Soomaaliyeed oo la dhiibay, wadaniyaddii ayaa meel looga dhacay iyo hebel baa hebel ka wadaniyad fiican oo aan u soo noqonno caqligeenna si fiicanna u fakaro oo aan xasuusanno:

-Tabardarada haysa dowaldda iyo kala qoqobka baahsan ee aan ku jirno.

-Qabyaaladda oo cid kastaa ay wadaniyada ka hor marineyso.

– Xaaladaha Bulsho ee dalkeenna taalla oo abaarta, barakaca iyo tahriibku ka mid yahay.

-Xaaladda dhaqaalah ee dalku ku jiro oo aan qof iyo labo kaligood aaney waxba qaban karin.

Markaan arrimhaas oo dhan aragno waa inaan si sidii hore ka badan iskugu duubnaanno, muhiimaddeena koowaadna aan ka dhiganno wax kastaaba way hagaagi doonaane marka hore xasilinta dalka ay howltabinta Koowaad iyo Labaad iyo saddexaadna aan siinno, cid kasta oo walaalaheen ah oo dhibaateysan haddii ay jiraan markaan awoodeeda yeelanno ee aan wax u qaban karo aan taageerno si ka wanaagsan sidii hore. Dowladaha dariska ahna xiriirkooda hagaajinno illeen dantaada maqaar eyna waa loogu seexdaaye.

Khataraha Ku Xeeran Shacabka

Khataraha ku xeeran shacabka waa tan dowladda ku xeeran maadama aan marnaba la kala saari karin shacabka iyo dowaldda oo iyaga u adeegta.

Anigu runtii dowalad kama tirsani uma shaqeeyo kuma talo jiro, laakiin waxaan dareen sanahay in dowlad dalku u baahan yahay wax kastaana laga hormariyo dan dalka iyo shacabka, waxa waajib inagu ah inaan la garab istaagno dhaqaale iyo wax kasta oo aan awoodno caadifadda yar ee shisheeyuhu ka faa’ideysanayaanna aan iska daynno, madaxda da’dayar ee runtii daacadnimadu ka muuqatana yaynaan niyad jabin inta aan taagi karnana aan taagneeno.