Barakac Xoogan oo saakay ka socanaya deegaanada udhexeya Gobolada Banaadir iyo Shabellaha hoose

Filed under: Warar |

Sida somaliglobe.net ay u sheegen dadka barakacayaasha ee ku dhaqan duleedka magaalada muqdisho waxaa saakay deegaanadaasi ka socanaya barakac kii abid ugu badnaa ee ay sameeyan dadka kal hore ku barakacay deegaanadaasi

dadka hada barakaca muujinayo ayaa waxaa ubadan dadka taagta daran ee ka mida bulshada ku jahwareray dagaalada magaalada muqdisho

sikastaba ha ahaatee barakacyada saakay ka socanaya deeganada ceelasha biyaha iyo deegaanada ku xeedhan ayaa waxay ka danbeysay dagaalo labadii maalmood ee ugu danbeysay halkaasi uu ku dhexmaray ciidamada DKMG ah ee soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xarakada alshabaab

dagaalada maalmahii ugu danbeyay ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 100 qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamayay iyo sidoo kale dadka rayidka ah ee ka agdhow deegaanada duleedad muqdisho ee hada ay la wareegeen ciidamada DKMG iyo AMISOM ka dib dagaal xoogan oo ayla galeen xarakada alshabaab ee gudaha soomaaliya


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>